Sababta ka dambeysay inuu taageero Arsenal markii uu yaraa, xiddigihii uu jeclaa inuu dawaado & dhowr arrimood kale uu ka hadlay Pogba

(Manchester) 15 Abril 2020. Xiddiga qadka dhexe reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa shaaca ka qaaday inuu taageere u ahaa Arsenal markii uu yaraa, ka hor inta uusan taageere u noqon United-ka.

Paul Pogba ayaa xaqiijiyay inay saameyn ku yeesheen xiddigaha reer France ee u ciyaarayay kooxda Gunners, isla markaana guulo waaweyn la gaaray, isagoo xusay magaca halyeeyada Thierry Henry.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Paul Pogba, waxaana uu yiri:

“Si daacad ah haddii aan u hadlo, markii hore waxaan taageere u ahaa Arsenal, sababa la xiriira xiddigaha reer France ee u ciyaarayey”.

“Aniga iyo walaalkeey waxaan taageerayaal u aheyn Gunners, halka walaalkey kale uu taageere u ahaa Manchester United”.

Paul Pogba ayaa wuxuu sidoo kale tilmaamay jaceylka uu qabo xiddiga reer France ee Thierry Henry wuxuuna yiri:

“Wuxuu sabab u ahaa inaa taageero u noqdo kooxda Arsenal, kaddibna waxaan u wareegay inaan Man United la taageero walaalkey labaad”.

Pogba ayaa wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday xiddigihii uu jeclaan jiray inuu daawado markii uu yaraa, wuxuuna xusay magacyo ay ka mid yihiin:

“Ronaldinho, Ronaldo, Zinedine Zidane, Thierry Henry iyo Djibril Cissé”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close