“Waxaan doonayaa inaan Maaliyadda ka bedesho Mane, horyaalkana la dhammaystiro”- Wan-Bissaka oo ka careysiiyay Jamaahiirta Man Utd

(Liverpool) 09 April 2020. Difaaca Manchester United ee Aaron Wan-Bissaka ayaa ka dhawaajiyay labo oraah oo ka farxisay taageerayaasha kooxda Liverpool, sidoo kalena ka careysiiyay jamaahiirta Red Devils.

Difaaca midig ee kooxda Man United ayaa la weydiiyay ciyaaryahanka ka ciyaara Premier League ee uu jecel yahay inuu ka beddesho funaanadda, waxaana uu si cad u qiray in uu dooran lahaa laacibka kooxda Liverpool ee Sadio Mane.

Wan-Bissaka oo 50 milyan oo gini kaga soo tagayay Crystal Palace markii uu ku soo biirayay Old Trafford xagaagii la soo dhaafay ayaa tibaaxay in sanad ciyaareedkii hore ee uu maaliyadda ka beddeshay xiddiga Reds.

Inkastoo uu xanniban yahay horyaalka Premier League dhibaatooyinka coronavirus dartiis, 22-jirkan ayaa daaha ka rogay fikirkiisa ku aaddan in la dhammeystiro xilli ciyaareedka.

“Waxaan doonayaa inuu sii socdo – durba waan u xiisay.” ayuu yiri difaaca Ingiriiska.

Waxa uu sidoo kale ku dooday in kooxaha bandhigga fiican sameeyay ay doonayaan inay la dhammeystiro xilli ciyaareedkan.

Manchester United ayaa booska shanaad kaga jirta kala sarraynta horyaalka Ingiriiska, iyagoo saddex dhibcood ka hooseeya kooxda Chelsea oo ku jirta booska afaraad, waxaana ay u dagaallamaysaa sidii ay ugu soo bixi lahayd tartanka Champions League xilli ciyaareedka xiga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close