Wax ka ogow 10-ka goolhaye ee ugu fiican Adduunka iyo Mushaharka ay qaataan…. (Kaalintee kaga jiraa Ter Stegen?)

(Yurub) 09 April 2020. Goolhaayaha ayaa lagu tiriyaa kala bar awooda kooxda, sidaas darteed waa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan naadiga, wuxuuna ku qaataa mushaar aad u badan kuna saleysan wax qabadkiisa iyo sida uu caan u yahay.

David de Gea oo shabaqa u ilaaliya kooxda Manchester United iyo Jan Oblak oo isna goolhaaye u ah Atlético Madrid ayaa lagu tiriyaa inay yihiin labada goolhaaye ee qaata mushaarka ugu sarreeya, marka loo fiiriyo dhamaan goolhaayayaasha adduunka, mid walbana wuxuu qaata 10 milyan euro xilli ciyaareedkii.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo Mushaharka ay qaataan liiska 10-ka goolhaaye ee ugu fiican adduunka:

1- David de Gea – Manchester United: 10 million euros

2- Jan Oblak – Atletico Madrid: 10 million euros

3- Manuel Neuer – Bayern Munich: 8 million euros

4- Thibaut Courtois – Real Madrid: 8 million euros

5- Kepa Arrizabalaga – Chelsea: 8 million euros

6- Keylor Navas – Paris Saint-Germain: 7 million euros

7- Alisson Becker – Liverpool”: 7 million euros

8- Ederson – Manchester City: 6 million euros

9- Ter Stegen – Barcelona: 5 million euros

  1. Hugo Lloris –Tottenham: 5 million euros.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close