Ter Stegen oo shaaca ka qaaday waqtigii ugu fiicnaa ee xirfadiisa kubadda cagta oo dhan

(Barcelona) 09 April 2020. Goolhaayaha reer Germany iyo kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen ayaa wuxuu shaaca ka qaaday waqtigii ugu fiicnaa ee xirfadiisa ciyaareed kubadda cagta oo dhan.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Marc-André ter Stegen, waxaana uu yiri:

“Shaki la’aan waqtiga ugu fiican ee xirfadeyda ciyaareed wuxuu ahaa markii aan ku guuleystay koobka Champions League sanadkii 2015-kii ee magaalada Berlin, ilaa iyo hadda waligey lama kulmin waqti la mid ah habeenkaas”.

Intaas kaddib Marc-André ter Stegen ayaa wuxuu tilmaamay kulankiisii ugu fiicnaa isaga ahaan wuxuuna yiri:

“Kulankeygii ugu horreeyay anigoo ah laacib xirfadle ah, wuxuu ahaa mid ka mid ah kulamadii ugu fiicnaa ee aan ciyaaray, waxay ahayd arrin cajiib ah, maxaa yeelay wuxuu ahaa kulankeygii ugu horeeyay horyaalka ee xirfadeyda, waa xilli gaar ah.”

“Ciyaarista El Clasico markii ugu horeysay sidoo kale waxay aheyd arrin muhiim ah, guud ahaan waxaan ku raaxeystay joogitaankeyga garoonka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close