Kooxaha Man United iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa xiddig ka tirsan Bayern Munich

(Yurub) 09 April 2020. Sida wararku ay sheegayaan kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa wada doonaya oo raacdo ugu jira saxiixa Corentin Tolisso.

Warsidaha Foot Mercato ayaa fahamsan in Manchester United iyo Arsenal ay qeyb ka yihiin ugaarsiga loogu jiro saxiixa laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich, Corentin Tolisso.

Xiddiga reer France ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ku dhibtooday inuu ku soo bilowdo safka hore ee tababare Hansi Flick, waxaana uu haatan soo jiitay xiisaha kooxo badan.

Marka laga soo tago Kooxaha reer England ee Man United iyo Arsenal, waxaa sidoo kale xaaladda Tolisso indhaha ku haya, Juventus, Atletico Madrid iyo Napoli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close