RASMI: Thomas Muller oo heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Bayern Munich

(Munich) 07 April 2020. Thomas Muller ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Bayern Munich ee dalka Jarmalka, waxaana uu gaarsiiyey qandaraaskiisa illaa sanadka 2023-ka.

Thomas Muller heshiiska uu qalinka ku duugay waa mid labo sano ku sii haynaya kooxda Bayern Munich, waxaana uu ku eg yahay ilaa 30 bisha June sanadka 2023.

Waxa uu Thomas Müller kooxda Bayern Munich kula guuleystay siddeed German championships (2010, 2013, 2014, 2015, 2016, 2017, 2018, 2019), iyo shan DFB Cup (2010, 2013, 2014, 2016, 2019) iyo shan DFL Supercup (2010, 2012, 2016, 2017, 2018), sidoo kale waxa uu kula guuleystay Champions League, FIFA Club World Cup iyo UEFA Supercup sanadkii 2013.

Xulkiisa qaranka Jarmalka ayuu sanadkii 2014 kula guuleystay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil, afar sano ka hor markaasna, wuxuu yimid xulkiisu kaalinta saddexaad ee Koobkii Adduunka ee lagu qabtay South Africa, wuxuuna ku guuleystay abaal-marino kala ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya iyo da’yarka ugu fiican tartanka.

Isaga oo sameeyey 10 gool iyo 18 caawinaad ah xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda, wuxuu door weyn ka ciyaaray hubinta in kooxdiisa Bayern ay hoggaanka u hayso horyaalka Jarmalka, isla markaana ay dadaal hufan ugu jiro inay ku guuleysato.

Xilli ciyaareedkan waxaa kale oo uu Müller ka mid noqday xiddigaha caanka ah ee 500 oo kulan u saftay kooxda Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close