Ighalo oo shaaca ka qaaday xiddigihii uu ugu jeclaan jiray kooxda Manchester United

(Manchester) 07 Abril 2020. Weeraryahanka reer Nigeria isla markaana haatan qaab amaah ah ku joogo kooxda Manchester United ee Odion Ighalo ayaa sheegay inay jiraan ciyaartoy badan uu u arkayay inay tahay tusaalo ahaan inuu ku dayado.

Wargeyska “Standard” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Odion Ighalo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaa jiray xiddigo badan kubadda cagta ee aan aad u jeclaa”.

“Markii aan bilaabay inaan taageero kooxda Manchester United, waxay ahaayeen labadii ciyaaryahan ee aan jeclaa Dwight Yorke iyo Andy Cole.”

“Marxaladdeyda horumarka waxaa jiray ciyaartoy reer Nigeria ah sida Nwankwo Kanu iyo Jay-Jay Okocha.”

“Waxaa jiray ciyaartoy waa weyn, waxay ahaayeen geesiyaal ku jiray marxalad horumarineed, waxaana ka daawaday TV-ga.”

“Sharaf weyn ayey ii tahay inaan ka ciyaaro Manchester United, waa kooxdii ay u soo ciyaareen ciyaartoy waa weyn sida Dwight York iyo Andy Cole.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close