2013 sanadkii Robben iyo Ribery… (39 gool & 37 caawin ayay wadajir la yimaadeen!)

(Munich) 07 April 2020. Si fudud waxaan dhihi karnaa 2013 waxa uu ahaa sanadkii Robbery oo ah magaca labada laacib ee Robben iyo Ribery oo la isku lifaaqay ama la isku daray.

Waxa ay labadaan laacib sanadkaas gacan ka geysteen 76 gool, waxaana wadar ahaan ay sanadkaa dhaliyeen 39 gool, iyagoo caawiyey 37 gool oo kale guud ahaan tartammada oo dhan.

Robben iyo Ribery oo sanadkaas aad u kacsanaa ayaa kooxda Bayern Munich kula guuleystay UEFA Champions League, horyaalka Bundesliga Jarmalka iyo Koobka DFB Pokal.

Haddaba halkaan hoose ka eeg waxqabadka labadaan xiddig ay sameeyeen sanadkii 2013-kii:-

Ribery sanadkii 2013:

42 kulan

16 gool

20 caawin

Robben sanadkii 2013:

40 kulan

23 gool

17 caawin

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close