Xiddig Man United ah oo diiday in Liverpool loo caleemo saaro hanashada Premier League

(Manchester) 06 Abril 2020. Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa diiday in Liverpool loo caleemo saaro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedka hadda socda.

Luke Shaw ayaa si weyn kaga soo horjeestay in kooxda kubadda cagta Liverpool loo caleemo saaro hanashada Premier League, haddii aan loo dhameystirin horyaalka, sababa la xiriira faafitaanka Coronavirus waqtigan la joogo.

Shaw ayaa si cad u sheegay in la joojiyo gabi ahaanba horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, isla markaana dib loo bilaabo xilli ciyaareed cusub, haddii ay dhacdo inaan la dhameystirin kan hadda socda.

Xiddiga kooxda Manchester United ayaa wuxuu dhinaca kale sheegay:

Luke Shaw calls for Premier League season to be declared void if ...

“Taageerayaasha waxay leeyihiin muhiimad weyn, waxaan u maleynayaa in isboortiga loo qabto iyaga dartood,”

“Haddii aadan haysan taageerayaal isla markaana aadan ku hor ciyaarin hortooda, ma dareemi doontid dareen wanaagsan waqtigaas”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close