Virgil van Dijk oo doortay SHANTA ciyaartoy ee ugu fiican horyaalka Premier League

(Liverpool) 06 Abril 2020. Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool iyo xulka qaranka Holland ee Virgil van Dijk ayaa doortay shanta xiddig ee ugu fiican Premier League ee ka baxsan magaalada Merseyside-ka, waxaana xulashadiisa ku soo baxay xiddigo badan ee naadiga Man City ka tirsan.

Virgil van Dijk ayaa doortay goolhayaha reer Brazil ee Ederson, Aymeric Laporte, Kevin De Bruyne oo Manchester City ah, sidoo kale Son Heung-min oo Tottenham ah, iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo Arsenal ah.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi arrintan ku saabsan uu bixiyay Virgil van Dijk waxaana uu yiri:

“Ederson, waa goolhaaye cajiib ah, xilli ciyaareedkan waxaa jiray goolhaayeyaal aad u wanaagsan, si ka duwan sidii waagii hore, laakiin waxaan u maleynayaa in xiddiga reer Brazil uu yahay kan ugu fiican, laakiin Alisson Becker ayaa weli ah kan koowaad aragtidayda”.

“Aymeric Laporte wuxuu muujiyay xilli ciyaareedkan sida ay muhiim ugu tahay Manchester City, waxaanan u maleynayaa inuu yahay daafac weyn, waa daafac aad u wanaagsan, oo sababtaas aawadeed ayaan isaga u doortay”.

“De Bruyne? Maxaan ka dhihi karaa isaga, marka hore waxaan u maleynayaa inuu yahay shaqsi cajiib ah, laakiin sidoo kale waa ciyaaryahan khiyaali ah, wuxuu waxyaabo u arkaa si ka duwan dadka kale, taasna waxay kugu qasbeysaa inaad ixtiraamto isaga, waa ciyaaryahan cajiib ah.”

“Son Heung-min, waa xiddig dhaqsi badan, isla markaana xoogan, wuxuu u galaa garoonka si uu nolasha daafacyada u dhibaateeyo, wuxuu soo afjaraa weerarada bidix iyo midig, waa ciyaaryahan cajiib ah sidaas darteed waan dooran doonaa isaga.”

“Aubameyang? Sababa la xiriira waxa uu qabtay inta lagu gudi jiray xilli ciyaareedka iyo sida cajiibka ah uu ula midoobay Lacazette”.

“Waxaan sidoo kale soo qaadan karay Sergio Agüero maxaa yeelay waa weeraryahan weyn, rikooradiisa ayaana ka hadlaya isaga, tan iyo markii uu yimid Manchester City.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close