Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo hoggaaminaya raacdada loogu jiro xiddig ka tirsan Kooxda Chelsea

(London) 06 Abril 2020. Kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa sida wararku ay sheegayaan haatan hoggaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga naadiga Chelsea ee Willian.

Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay safka hore kaga jiraan raacadada loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xor ah dhammaadka xilli ciyaareedkan kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu heshiis cusub la gaaro Kooxdiisa Blues.

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa la rumeysan yahay inay doonayaan inay siiyaan Willian heshiis labo sano ah, laakiin haatan waxay tartan kala kulmayaan labo ka mid ah kooxaha waa weyn ee Yurub.

Warsidaha ee Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Barcelona iyo PSG ay si dhow isha ugu hayaan 31-sano jirkaan si ay ula soo wareegaan marka suuqa kala iibsigu furmo.

Barcelona, PSG leading race for Willian?

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in labada dhinacba ay aamisan yihiin in xiddigan uu wax weyn ku soo kordhin karo kooxdooda, sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa wanaagsan iyo waayo-aragnimadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Willian ayaa shaaca ka qaaday isbuucii hore inuu door-bidi lahaa inuu sii joogo horyaalka Premier League, halkaasoo uu todobadii sano ee la soo dhaafay kula qaatay Kooxda Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close