Georgina Rodriguez oo noqotay Timo-jaraha cusub ee Cristiano Ronaldo muddada lagu jiro karaantiilka Coronavirus

(Yurub) 05 Abril 2020. Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaanan ka caajisin inuu is-qurxiyo xitaa hadduu dunida ku jirto xaalad karaantiilka ah oo uu sababay xanuunka faafidda ee coronavirus.

Ronaldo ayaa sameystay hab jarriin cusub waxaana timo-hagaajiye ama timo-jare u noqotay gabadha uu jecel yahay ee Georgina Rodriguez.

Kabtanka Portugal ayaa u muuqday mid qanaaco badan ay ka muuqatay, iyadoo saaxiibtiisa ay tinta u jareyso kaddib muuqaal uu soo galiyay bartiisa Instagram-ka, waxaana uu ku dhawaaqayay “SIUUUU” oo ah dabaal degga uu caanka ku yahay marka uu gool dhaliyo.

Muuqaalka waxaa ka muuqday Georgina oo tinta u jareysa CR7, waxaana uu soo raaciyay qoraal u dhignaa: ”Jooga guriga, isna qurxiya.”

 

View this post on Instagram

 

Stay home and keep stylish 💇🏽‍♂️👩‍❤️‍💋‍👨 #stayhomestaysafe

A post shared by Cristiano Ronaldo (@cristiano) on

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaanan ka tagin inuu dadka ku wacyi geliyo inay joogaan guryahooda si ay u yaraato faafidda caabuqa Coronavirus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close