Ricardo Kaka oo doortay ciyaaryahanka fiican xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo

(Spain) 04 Abril 2019. Xiddigii hore xulka qaranka Brazil ee Ricardo Kaka ayaa doortay ciyaaryahanka fiican labada xiddig ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Laacibkii hore kooxaha AC Milan iyo Real Madrid oo ka soo hadlay bogga rasmiga ah “Instagram-ka” ee xiriirka kubadda cagta adduunka “FIFA” ayaa wuxuu su’aalo toos ah kaga jawaabay taageerayaashii markaas la socday isaga.

Inkastoo uu Kaka kaga soo garab ciyaaray Cristiano Ronaldo kooxda kubadda cagta ee Real Madrid, haddana wuxuu arkaa in Lionel Messi uu yahay kan fiican.

Xiddigii hore xulka qaranka Brazil ee Ricardo Kaka ayaa wuxuu yiri:

“Cristiano Ronaldo waa sida mashiinka oo kale, kuma raaxeysto kaliya awood iyo xawaaro, xitaa wuxuu u xoogan yahay maskax ahaan, mar walbana wuxuu doonayaa inuu guuleysto.”

“Wuxuu doonayaa inuu noqdo kan ugu fiican, waxaan horey ula soo ciyaaray Ronaldo, runtiina waa mid cajiib ah.”

“Laakiin aniga ahaan waxaan dooranayaa Lionel Messi, waa qof caqli badan isla markaana leh hibo gaar ah, qaabka uu u ciyaarayo waa mid aad u fiican”.

“Labada xiddig ee Messi iyo Ronaldo runtii waa kuwa heer sarre ah, waxayna ka mid yihiin 5-ta ciyaartoy ee ugu wanaagsan taariikhda kubada cagta, waxaan nasiib ku yeelanay inaan hal mar wada aragno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close