Koox Ingiriis ah oo ku soo biirtay loollanka loogu jiro Laacibka Napoli ee Fabian Ruiz

(Naples) 04 Abril 2020. Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara Kooxda Napoli ee Fabian Ruiz ayaa xiiso badan ka helaya kooxaha qaaradda Yurub ka dhisan.

Kooxda Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee qayb ka soo noqota dagaalka loogu jiro saxiixiisa sida ay daabacday Corriere dello Sport.

24-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan sameynayay tan iyo markii uu Napoli kaga soo biiray kooxda Real Betis sanadkii 2018.

Real Madrid, Barcelona iyo Liverpool ayaa la fahansan yahay inay dhammaantood doonayaan inay gacanta ku dhigaan adeegga kubadda sameeyaha qaranka Spain.

Man City ayaa baadi goob ugu jirta ciyaaryahan ka ciyaara khadka dhexe, maadaama marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan uu David Silva macsalaameyn doono Etihad Stadium, halka Ilkay Gundogan mustaqbalkiisana uusan hubanti ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Pep Guardiola ayaa wajahaysa loollan adag oo ku aaddan saxiixa Fabian Ruiz, maadaama kooxo awood lacageed leh ay doonayaan inay la wareegaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close