Jariiradda Mundo Deportivo oo ogaatay ballan qaad ay Kooxda Barcelona u sameysay Neymar Jr

(Barcelona) 04 Abril 2020. Magaca Neymar Jr ayaa markale sameynaya hadal-hayn dhanka suuqa kala iibsiga ah, waxaana la filayaa in xagaagan uu ku laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.

Inkastoo Coronavirus awgiis ciyaaraha loo joojiyay ay sababtay in kooxda ay lumiso dhaqaale badan, haddana Barca ujeedkeeda koowaad waa inay dib u soo celiso xiddiggeedii hore.

Mundo Deportivo oo ka soo baxda Spain ayaa kashiftay ballan qaad ay Barcelona u sameysay Neymar markii uu socday wada-hadalladii sanadkii hore, waxaana balan qaadkaas uu ahaa inay xagaagaas ama xagaagan soo aaddan ay Camp Nou ku soo celin doonaan.

Laacibka reer Brazil ayaa doonaya ka dhaqaaqista Paris Saint-Germain waxaana uu ku sigtay in Real Madrid uu ku biiro kaddib markii ay Barca iyo PSG isku fahmi waayeen heshiiskiisa.

Hase ahaatee, kooxda La Liga difaacanaysa ayaa go’aansatay in Neymar ay ka hor istaagaan ku biirista Los Blancos, iyagoo u ballan qaaday in sanad kaddib ay la soo wareegayaan.

Majaladda ayaa sidoo kale qortay in soo laabashada Neymar ay kooxda Barca ka heli doonto faa’ido dhaqaale oo ka imaan kara iibka maaliyaddiisa iyo tikidhada lagu daawado ciyaaraha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close