Coronavirus oo fara kulul ku haya Kooxda Barcelona & Xubin muhiim ah oo laga helay xanuunkan

(Barcelona) 04 Abril 2020. Majaladda ka soo baxda magaalada Barcelona ee Mundo Deportivo ayaa shaacisay in xanuunka coronavirus laga helay mid ka mid ah madaxda naadiga Barcelona.

Madaxweyne ku xigeenka Barca ee Jordi Cardoner ayaa laga helay xanuunka coronavirus sida ay xaqiijisay jariiradda Mundo Deportivo.

57-sano jirkaan ayaa la tacaalaya xanuunka COVID-19, hase ahaatee waxay wararku sheegayaan inuu hadda xaalad wanaagsan ku jiro.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa coronavirus laga helay madaxa caafimaadka kooxda Blaugrana ee Ramon Canal iyo dhaqtarka kooxda kubadda gacanta ee Josep Antoni Gutierrez.

Waxaa intaas sii dheer in kormeeraha Barcelona u qaabilsan qaaradda Koonfurta Ameerika ee Andre Cury uu isna qabo Coronavirus.

Laakiin nasiib wanaag, illaa iyo hadda ma jiro ciyaaryahan Barca ka tirsan oo laga helay caabuqan Coronavirus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close