Neymar Jr oo deeq lacageed oo xoog leh ku bixiyay la daallanka Coronavirus

(Paris) 03 Abril 2019. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ayaa deeq lacageed oo xooggan kaga qayb qaatay la dagaallanka xanuunka coronavirus ee dunida ku sii fidaya.

28-sano jirkaan ayaa ku hagaajiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF lacag dhan 750,000 oo gini.

Deeqdan lacageed ee uu bixiyay laacibkii hore ee Barcelona ayuu ugu talo galay in lagula dagaallamo xanuunka COVID-19, sidoo kalena lagu caawiyo dadka uu saameeyay.

Neymar ayaa noqday laacibkii ugu dambeeyay si deeqsinnimo leh uga qayb qaata ololaha lagula dagaallamayo xanuunka galaaftay kumannaanka qofood ee ku kala nool daafaha dunida.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close