Abramovic, Agnelli, Mansour & Milkiilayaasha Kooxaha kubadda cagta ee ugu hantida badan

(Yurub) 03 Abril 2019. Heshiisyada maalgelinta, xayeysiinta iyo heshiisyada baahinta waxay saldhig u yihiin ilaha dhaqaale ee kooxaha kubadda cagta soo gala, waxaana meesha laga saari karin iibka ay kooxaha iibiyaan funaanadaha iyo waxyaabaha la hal maala.

Sidoo kale kooxaha kubadda cagta ayaa dhaqaale ka sameeya guulaha iyo tartammada ay ku guuleystaan.

Sidaas darteed, ciyaarta kubadda cagta waa mid soo jiidata hantiilayaasha ay lacagta ka daadanayso, kuwaasoo maalgashta ama iibsada kooxaha kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekadan ma quseyso kooxaha ugu hodansan kubadda cagta ee waxa ay taabanaysaa milkiilayaasha ugu hantida badan ee iska leh kooxaha kubadda cagta.

Hantidan la diiwaan geliyay kuma koobna tan ay kasoo xareeyeen kooxaha ay leeyihiin, waa lacagta guud ee u diiwaan-gashan inay haystaan milkiilayaasha kubadda cagta ee aan sheekadooda idin la wadaageyno.

Haddaba diiwaankan hoose waxaad kaga bogan kartaa milkiilayaasha kooxaha kubadda cagta ee ugu taajirsan, darajooyinkooda, kooxaha ay leeyihiin iyo hantida ay haystaan:-

1 – Mansour bin Zayed Al Nahyan – Man City, Melbourne City, New York City –  20 bilyan oo dollar.

2 – Dietrich Mateschitz – Red Bull Salzburg, RB Leipzig, NY Red Bulls –  19.4 bilyan oo dollar.

3 – Andrea Agnelli iyo qoyskiisa – Juventus – 13.5 bilyan oo dollar.

4 – Roman Abramovic – Chelsea – 12.4 bilyan oo dollar

5 – Philip Anschutz – LA Galaxy – 10 bilyan oo dollar.

6 – Stan Kroenke – Arsenal, Colorado Rapids – 9 bilyan oo dollar.

7 – Nasser Al-Khelaifi – PSG – 8 bilyan oo dollar.

8 – Zhang Jindong – Inter Milan – 7.6 bilyan oo dollar.

9- Robert Kraft – New England Revolution – 6 bilyan oo dollar.

10 – Aiyawatt Srivaddhanaprabha iyo qoyskiisa – Leicester City, OH Leuven – 6 bilyan oo dollar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close