Xiddiga Kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng oo Shil Baabuur ku galay Jarmalka… (Maxaa dhibaato ah oo soo gaaray?)

(Munich) 01 Abril 2019. Sida wararka lagu helayo xiddiga kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng ayaa Shil Baabuur ku galay Waddanka Jarmalka.

Wargeysyada ciyaaraha ka faallooda qaarkood ayaa warinaya in daafacan Jerome Boateng uu ka badbaaday inuu dhaawacmo.

Nasiib wanaag, daafaca Bayern Munich ayaan wax dhibaato ah soo gaarin, kaddib markii uu xakameyn waayey gaarigiisa, waxaana uu ku dhuftay gidaarka laamiga dhiniciisa ah.

Boateng ayaa u safrayey si uu u booqdo wiilkiisa, iyadoo Waddanka Jarmalka aysan soo bandhigin xayiraad dhaqdhaqaaqa ah sababo la xiriira faafaha Coronavirus.

Baabuurkan oo magaciisu yahay TVO estimate ayaa burbur uu soo gaartay, kaasoo lagu qiimeeyo adduun dhan 25,000 oo euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close