Xiddigaha Kooxda Borussia Dortmund oo xilli hore tababarka ku soo laabtay, xilli Erling Haaland… + SAWIRRO

(Dortmund) 31 Mar 2019. Xiddigaha kooxda Borussia Dortmund ayaa xilli hore tababarka dib ugu soo laabtay, iyadoo lagu guda jiray karaantiilka Coronavirus.

Waxay u muuqataa cabsidii Coronavirus ee dalka Jarmalka inay hadda sii yaraanayso, iyadoo kooxda Borussia Dortmund ay haatan xiddigaheeda qaarkood ka soo muuqdeen tababarka.

Kooxda Borussia Dortmund xiddigaheeda qaar ka mid ah ayaa tababarka soo xaadiray gelinkii dambe shalay oo Isniin ahayd, waxaana ay yimaadeen xaruntooda tababarka.

Ciyaaryahannada ayaa dhowr todobaad waxa ay karaantiil ku ahaayeen guryahooda sababo la xiriira faafaha coronavirus, iyadoo horyaalka Bundesliga haddana uu hakad ku jiro illaa 30 bisha April.

Erling Haaland ayaan qarin dhoolla-caddeyntiisa xilli uu xiddigaha kooxdiisa Borussia Dortmund tababarka la qaadanayey.

Kooxda Dortmund ayaa xilli ciyaareed guulo leh ku raaxaysanaysay inta aan coronavirus loo hakin horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Waxa ay afar dhibcood ka dambeeyeen hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Bayern Munich, laakiin Can ayaa qirtay inaysan fududaan doonin sheekadu marka xilli ciyaareedku dib u bilaabmo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close