Lionel Messi oo ammaan ugu qubeeyay da’yar ka tirsan Kooxda Chelsea

(London) 31 Mar 2019. Kooxda Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan heshay xiddigo dhallinyaro ah oo aad wacan, iyadoo looga mahad-celinayo macallinka kooxda ee Frank Lampard.

Mason Mount ayaa ka mid ah xiddigaha xilli ciyaareedkooda koowaad ee Blues ku qaadanaya waqti ciyaareed qurux badan, waxaana uu soo jeediyay dareenka xirfadleyda kubadda cagta, isagoo ammaan ka helay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Sida laga soo xiganayo Football London, Lionel Messi ayaa Mount u doortay mid ka mid ah da’yarrada ugu mustaqbalka fiican kubadda cagta xilligan.

“Markii aan daawaday isagoo ciyaaraya, wuxuu leeyahay tayada uu ku noqon karo mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan” ayuu carrabka ku dhuftay Kabtanka Barca.

Mount ayaa la aaminsan yahay inuu qayb ka ahaa qorshaha macallinka England ee Gareth Southgate ee koobka qarammada qaaradda Yurub 2020.

Coronavirus Spain: Celta Vigo's Pione Sisto 'drove 1864 MILES from ...

Inkastoo tartanka dib loo dhigay, laacibkan ayaa rajeynaya inuu gaaro heer sare, isagoo qayb weyn ka ah qorshaha Frank Lampard ee sanadaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, loollanka adag ee ka jira khadka dhexe ee Chelsea ayaa dhiirro-gelin fiican u ah 21-sano jirkaan, maadaama qaarkood isaga laga door-biday

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close