Alexis Sanchez oo dib ugu soo laabanaya Kooxdiisa Manchester United

(Manchester) 31 Mar 2019. Sida wararku ay sheegayaan Alexis Sanchez ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda milkiyaddiisa iska leh ee Manchester United.

Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa Sanchez dib ugu soo celinaysa kooxda iska leh milkiyaddiisa ee Manchester United, kaddib markii uu ku dhibtooday horyaalka Serie A.

31-sano jirkaan ayaa heshiis amaah ah ku joogay xilli ciyaareedkan garoonka San Siro, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu saameyn yeesho, isagoo ay soo mareen dhaawacyo dhowr ah.

Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska,  Inter ayaan doonaynin inay wada iibsato Sanchez oo ay qiyaar u haysato inay iibsan karto, iyadoo ciyaaryahanka uu ku guuldarreystay inuu qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa tuso Tababare Antonio Conte.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close