Mourinho oo shaaca ka qaaday 11-ka xiddig ee ugu fiicnaa uu macalin u noqday… (Zlatan, Pogba & Eto’o oo ka maqan)

(Yurub) 30 Mar 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday shaxda kooxdii ugu fiicneyd ee uu macalin u noqday, inta uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed, inta badan kooxaha uu soo tababbaray.

Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wax ciyaaryahan ah ka dooqan kooxda uu hadda tababaraha ka yahay ee Tottenham Hotspur, halka inta ugu badan ciyaartoydu uu ka soo xushay Chelsea, ha ahaato labadii xilli kala duwanaa ee uu soo maamulay.

Mourinho ayaa wuxuu xirfadiisa tababarka ka soo bilaabay Sporting Lisbon, kaddib wuxuu u wareegay Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid, Manchester United, iyo hadda uu joogo Tottenham Hotspur.

Shaxda kooxda uu Jose Mourinho xushay ayaa lagu dhex arkay kaliya labo ciyaaryahan oo Real Madrid ah, kuwaasoo kala ah Cristiano Ronaldo iyo Mesut Özil, wuxuuna sidoo kale doortay Ricardo Carvalho oo u soo ciyaaray labada kooxood Real Madrid iyo Chelsea.

Haddaba shaxda 11-ka ciyaaryahan ugu wanaagsan uu macalin u noqday Jose Mourinh ayaa waxay kala yihiin sidan:

Goolhaayaha: Petr Cech (Chelsea)

Daafacyada: Javier Zanetti (Inter Milan), John Terry (Chelsea), Ricardo Carvalho (Chelsea – Real Madrid)

Khadka Dhexe: Claude Makelele (Chelsea), Mesut Ozil (Real Madrid) Frank Frank Lampard (Chelsea)

Weerarka: Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Eden Hazard (Chelsea), Didier Drogba (Chelsea).

Mourinho reveals his all-time XI of players he has managed ...

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close