“Waxaa cadaalad ah in Liverpool loo caleemo saaro Premier League” – Xiddig Man City ah

(Manchester) 29 Mar 2020. Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa sheegay inay cadaalad tahay in Liverpool ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

İlkay Gündoğan ayaa xaqiijiyay inay cadaalad tahay in loo caleemo saaro Liverpool xilli ciyaareedkaan hanashada Premier League, xitaa haddii uu xiriirka kubadda cagta Ingiriiska uu joojiyo horyaalka, sababa la xiriira faafaha Coronavirus.

Shabakda “Sky Sports” ee dalka England ayaa waxay soo xigatay hadalada İlkay Gündoğan, kaddib wareysi uu bixiyay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

İngiltere Premier Lig haberleri: Manchester City futbolcusu İlkay ...

“Aniga ahaan, waa wax la aqbali karo, waa inaad ahaato qof caadil ah sida shaqsi  isboorti ah”.

“Waxaa jira fikrado kala duwan, kooxaha uu xilli ciyaareedkooda uu fiicnaa, way cadahay inaysan u fiicnaan doonin in la joojiyo xilli ciyaareedkan.”

“Dhanka kale, kooxaha aan shaqo fiican ka qabanin horyaalka, ee fadhiya xarumaha heerka hoose loogu laabto, joojinta ayaa u noqon lahayd doorashada ku habboon iyaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close