Kooxda Lazio oo ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta labo xiddig oo ka tirsan Chelsea

(London) 29 Mar 2019. Kooxda kubadda cagta Lazio ayaa lagu soo warramayaa inay miisaameyso inay u dhaqaaqdo labada ciyaaryahan ee Chelsea ka wada tirsan ee Pedro iyo Olivier Giroud.

Labadan xiddig ayaa loo arkaa inuu heshiiskooda garoonka Stamford Bridge uu dhacayo bisha June, waxaana ay labadan xiddig ka soo muuqdeen kaliya sagaal kulan oo horyaalka Premier League  xilli ciyaareedkan 2019-20.

Giroud iyo Pedro ayaa labadoodaba shabaqa soo taabtay kulankii ay Chelsea 4-0 kaga badisay Everton, laakiin labadaan xiddig ayaa u muuqda inaysan doonaynin inay qandaraaska u kordhiyaan kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Jariiradda AS, Lazio ayaa isha ku haysa inay xoojiso weerarkeeda, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo labada ciyaaryahan ee Chelsea xagaagan.

Lazio planning double Chelsea raid?

Si kastaba ha noqotee, Faafidda Feyruska COVID-19, waxay saameyn aan hore loo arag ku lahayd garoonka dhexdiisa iyo dibaddaba, waana la arki doonaa marka suuqa kala iibsigu furmo.

Xiddigahan ayaa nasiib u yeelan inay noqdan dooqa koowaad ee tababare Frank Lampard, waana sababta keenaysa inay iskaga tagan kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close