Kaliya ma’ahan Lautaro Martinez, Barcelona oo weerar ku ah khadka dhexe ee Kooxda Inter Milan

(Barcelona) 29 Mar 2019. Eric Abidal iyo shaqaalaha farsamada ee naadiga Barcelona ayaa si gaar ah isha ugu haya suuqa dalka Taliyaaniga oo ay doonayaan inay ka soo dukaameystaan.

Wargeyska Sport ayaa horraan ka warramaysay xaaladda xiisaha Barca ee ay u heyso Lautaro Martinez, balse Tuttosport ayaa tibaaxaysa in kooxda reer Spain ay sidoo kale xiisaynayso laacibka khadka dhexe kaga ciyaara Naadiga Inter Milan ee Stefano Sensi.

Sensi ayaa hadda waqti amaah ah ku qaadanaya naadiga Inter, balse milkiyaddiisa waxaa iska leh naadiga Sassuolo, iyadoo la rajeynayo in Nerazzuri ay heshiiskiisa ku dhammeystirto 20 milyan oo euro.

Inter Midfielder Stefano Sensi Aiming To Return From Injury ...

Barcelona ayaa dooneysa labadan saxiix inay gacanta ku soo dhigto, waxaana taas beddelkeeda ay suuqa geynayaan Arturo Vidal, Nelson Semedo iyo Ivan Rakitic, kuwaasoo dhammaantood xiiso ka helaya kooxda Taliyaaniga ka dhisan iyo macallinkeeda Antonio Conte.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close