Muddo hal sano ah oo laga joogo markii macallin Ole Gunnar Solskjaer uu si joogto ah ula wareegay hoggaanka Kooxda Manchester United

(Manchester) 28 Mar 2020. Maanta oo kale sanadkii hore ayay ahayd markii macallin Ole Gunnar Solskjaer uu si joogto ah ula wareegay xilka tababarennimo ee Kooxda Manchester United.

28-ka bishii Maarso sanadkii 2019-kii, Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa si joogto ah hoggaanka ugu qabtay kooxda Manchester United, isagoo ka baxay xilkaasi oo uu si ku meel gaar ah u hayey.

Markii uu ciyaaryahanka ahaa Solskjaer, waxa uu ka ciyaari jiray weerarka, isagoo inta ugu badan xirfaddiisa ciyaareed ku qaatay kooxda kubadda cagta Manchester United.

Dabayaaqadii sanadkii 2018, Manchester United ayaa u magacawday Solskjær inuu si ku meel gaar ah u maamulo kooxda, isagoo xilkaasi kala wareegey José Mourinho inta ka dhiman xilli ciyaareedkii 2018-19.

Maanta oo kale 28 bishii Maarso sanadkii 2019-kii kaddib markii uu guul ku hoggaamiyey kooxda 14 kulan oo ka mid ah 19-kii kulan ee sida ku meel gaarka ah uu u waday naadiga, Solskjær ayaana saxiixay heshiis saddex sanadood ah oo uu si joogto ah ula wareegay xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United.

Macallinka reer Norway ayaana saxiixyo u muuqda kuwo guuleystay kooxda ku soo biiriyey, kuwasoo laga xusi karo Harry Maguire, Bruno Fernandes iyo Aaron Wan-Bissaka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close