Lionel Messi oo Ronaldinho ku garaacay xiddigga ugu gambiska wanaagsanaa kubadda cagta

(Yurub) 28 Mar 2020.  Majaladda Faransiiska ka soo baxda ee RMC Sports ayaa codeyn u sameysay ciyaartoyda ugu gambiska ama goysmada wanaagsan kubadda cagta.

Codeyntaan waxaa ka qayb galay aqristayaasha Majaladda oo u kala codeynayay ciyaartoyda hadda ciyaara kubadda cagta iyo kuwii hore u ciyaari jiray oo la isku daray kuwooda ugu goysmada wanaagsanaa.

Tartanka codeynta ah waxay Majaladda u sameysay hab isreeb-reeb ah oo illaa laga gaaro kama dambeysta ama final-ka.

Lionel Messi ayaa final-ka ku garaacay saaxiibkiis Ronaldinho oo ay ka wada tirsanaayeen Barcelona, inkastoo codadka ay aad isugu dhowaayeen.

Messi ayaa ku adkaaday codeyn ah 50.7 boqolkiiba, halka Ronaldinho uu helay 49.3 boqolkiiba, taasoo ka dhigan in taageerayaasha codeynayay ay ku dagaallameen in labada xiddig ay kala saaraan.

Kabtanka Kooxda Barcelona ayaa ka adkaaday Denis Bergkamp, Kaka, Zinedine Zidane iyo Ronaldo ka hor inta uusan kama dambeysta garaacin laacibkii hore ee Brazil, kaasoo isna soo garaacay Hakim Ziyech, Arjen Robben, Johan Cruyff iyo Neymar Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close