“Kubadda cagta waxay noqon doontaa sida habka kala iibsiga ee ciyaarta NBA-da kaddib Coronavirus” – Fabio Paratici

(Turin) 28 Mar 2020. Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa ku baaqay in suuqa kala iibsiga ciyaartoyda laga dhigo habka ay u kala dukaameystaan kooxaha ciyaara horyaalka kubadda koleyga ee waqooyiga Ameerika (NBA) marka laga baxo dhibaatada Coronavirus.

Kooxaha kubadda cagta ee dunida ayaa la dhibtoonaya burbur dhaqaale oo xoog leh oo uu sababay caabuqa coronavirus ee dunida ku faafay, waxaana dhaqaalo xummidaas ay saameyn ku yeellanaysaa siyaasadda kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

“Waxaa dhici doono heshiisyo badan oo is dhaafsi ah, xaaladdaas waxay kubadda cagta ka dhigaysaa mid u dhow NBA-da,” ayuu Paratici u sheegay Tuttosport.

Hab dukaameysiga suuqa kala iibsiga ee kooxaha ciyaara NBA-da ayaa waxaa ku baxa lacago aad u yar, waxaana aad u badan heshiisyada ciyaartoyda sida tooska ah ay kooxuhu isku dhaafsadaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close