Cristiano Ronaldo oo go’aan ka gaaray mushahar dhimista Kooxda Juventus

(Turin) 28 Mar 2020. Waxay sii badanaya ciyaartoyda kubadda cagta ee dunida daafaheeda ka ciyaara kuwaasoo aqbalaya inay dhimaan mushaaroodkooda inta kooxahooda ay ka maqanyihiin ciyaarista kubadda cagta.

Cristiano Ronaldo ayaa isagu noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee aqbala inuu mushaharkiisa dhimo si uu kooxda kaga caawiyo inay badbaadiso.

Kooxo badan ayaa weli ka dhursugaya jawaabta ciyaartoydooda inay aqbalaan mushaharaadka ay naadiga ka qaataan muddada ay kubadda cagta u xanniban tahay caabuqa dunida ku faafay ee coronavirus.

Sida laga soo xiganayo Tuttosport, Juventus ayaa ka dhaadhicisay Ronaldo inuu mushaharkiisa ka dhimo 3.8 Milyan oo euro kaddib markii uu la kulmay kabtanka kooxda ee Giorgio Chiellini.

Lacag dhan 31 Milyan oo euro ayuu sanadkii Bianconeri ka qaataa weeraryahankii hore ee Real Madrid, waxaana uu ka jaray mushaharkiisa 3.8 Milyan oo euro.

Kaliya ma’ahan Cristiano Ronaldo ee guud ahaan safka ciyaartoyda naadiga Juventus ayaa aqbalay inay ka dhimaan 12 boqolkiiba mushaharaadkooda sanadlaha ah.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close