Luis Enrique oo shaaca ka qaaday labada xiddig uu ugu jecelyahay adduunka

(Spain) 27 Mar 2020. Warbaahinta Spain ayaa waxay shaaca ka qaaday maanta oo Jimco ah warbixino qaar muhiim ah ee laga soo xigtay macallinka reer Spain ee Luis Enrique.

Luis Enrique ayaa qalbigiisa u furay wargeyska “Sport” ee dalka Spain halkaasoo uu kaga hadlay waxyaabo badan oo la xiriira xirfadiisa tababarka ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in labada xiddig ugu fiican adduunka ee aragtidiisa.

Luis Enrique ayaa wuxuu si cad u sheegay in xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi uu yahay kan uu ugu jecel yahay dhamaan ciyaartooyda, halka kan labaad uu ku sheegay Andrés Iniesta.

Enrique ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Ciyaaryahanka i soo jiitay xirfadeyda ciyaareed waa Lionel Messi, waana kan aan ugu jeclahay, kaddib isaga waa Andrés Iniesta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close