Bruno Fernandes oo qiray inuu ka qoomameynayo murunkii ku dhex maray isaga iyo Guardiola kulankii Manchester derby

(Manchester) 27 Mar 2020. Xiddiga qadka dhexe kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ka qoomameeyay murunkii dhex maray isaga iyo macalinka Manchester City ee Pep Guardiola.

Bruno Fernandes ayaa waxay murmeen Guardiola intii lagu jiray kulankii Manchester derby ee ku soo idlaaday 2-0 ay ku adkaatay Red Devils, kaasoo qeyb ka ahaa kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League, waxayna kaamirooyinka qabanayen xiddiga reer Portugal oo aamusinayay macalinka reer Spain kaddib markii fartiisa saaray afka.

Wargeyska “Mirror” ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Sida waxkasta ee nolosha ah, waxba ma go’aaminayaan waxa qofku leeyahay ama waxa uu ku guuleystay, waxaan cambaareynayaa nafteyda, sababtoo ah falcelinta ugu fiican waxay ahayd inaan aamusnaado oo Guardiola kaligiis uu hadlo”.

“Kubadda cagta Ingriiska way ka duwan tahay inta kale, halkan kooxaha waxay imaanayaan Old Trafford, waxayna rabaan inay cadaadis muujiyaan, weerartamaan isla markaana halis buuxda sameeyaan, kulamada aad ayey u adag yihiin, waxaan si dhaqso ah uga fakaraa Portugal, laakiin waa inaan halkan si dhaqso leh labo jeer uga fikiraa.”

Si kastaba ha noqotee, 25 jirkan reer Portugal ayaa wuxuu ilaa iyo haatan u ciyaaray kooxda Manchester United 9 kulan, tan iyo markii uu yimid bishii January, wuxuuna ku guuleystay inuu dhaliyo seddex gool, isla markaana uu afar gool kale uu caawiyo.

Waxaa xusid mudan in Bruno Fernandes uu Man United kaga soo biiray kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon qiimo dhan 55 milyan euro, wuxuuna saxiixay heshiis gaaraya ilaa iyo 2025.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close