SHAX laga sameeyay 11-kii xiddig ee ugu xumaa taariikhda oo soo maray kooxda Real Madrid!

(Madrid) 26 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo martay halyeeyo iyo xiddigo badan ee heer caalami ah tan iyo markii la aasaasay kooxda ilaa iyo haatan, malaha xiddigaha ugu caansan ee laga xusi karo ayaa kala ah Alfredo Di Stéfano, Puskas, Hugo Sanchez, Raul Gonzalez, Cristiano Ronaldo, Gento, Sergio Ramos iyo Iker Casillas, waxaana jira magacyo badan oo kale ee aad u fiican.

Laakiin dhinaca kale, waxaa safka kooxda Real Madrid ka soo ciyaaray ciyaartooy qaar ee xun, qaarkood marka lala soo saxiixday ayuu si lama filaan ah hoos ugu dhacay qaab ciyaareedkooda, halka kuwo kale ay ka soo baxeen akaadiimiyada Real Madrid Castilla, waxaana kaddib cadaaday inaysan ku habooneyn inay ku ciyaaraan maaliyada Los Blancos, taasoo sababtay in si dhaqsi ah looga tago.

Haddaba shabkada “Defensa Central” ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay shax uu ka sameeyay 11-kii xiddig ee ugu xumaa taariikhda oo soo maray kooxda Real Madrid!, waxaana ay kala yihiin:

Goolhaaye: Albano Bizzarri.

Daafacyada: Carlos Secretário, Jonathan Woodgate, Fernando Sanz.

Khadka dhexe: Alberto Rivera, Freddy Rincón, Zé Roberto, Robert Prosinečki.

Weerarka: Antonio Cassano, Royston Drenthe, Dejan Petković.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close