Kooxo waa weyn oo ay ka mid tahay Man United oo albaabka u soo garaacay Cristiano Ronaldo

(Manchester) 25 Mar 2020. Sida wararku ay sheegayaan kooxo waa weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ka mid tahay Manchester United ayaa albaabka u soo garaacay Weeraryahan Cristiano Ronaldo.

Kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay xiriir la sameeyeen Cristiano Ronaldo, iyadoo raba suuro-galnimada ay kula wareegi karaan haddiiba uu ka tagayo naadiga Juventus.

Kooxda reer England ee Man United iyo tan reer France ee PSG ayay warbaahinta qaarkeed tilmaamaysaa inay xiriir la sameeyeen dhaliyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo, kaasoo loo malaynayo inuu doonayo inuu ka tago kooxda heysata horyaalnimada Talyaaniga.

35-sano jirkaan, kaasoo kooxda uu hoggaamiyo macallin Maurizio Sarri kaga soo biiray Real Madrid sanadkii 2018, wuxuuna u dhaliyay 21 gool 22 kulan oo horyaalka ah oo uu u ciyaaray kooxda Old Lady inta lagu guda jiray ololahan 2019-20.

Qandaraaska haatan ee Ronaldo uu kula joogo Juve ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22, laakiin weeraryahanka ayaa la sheegay inuu doonayo inuu si dhaqso ah uga tago kooxda reer Talyaani.

Sida ay warinayso Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain, kooxda PSG ayaa dalab u gudbisay Ronaldo, maadaama ay jeclaan lahaayeen inay arkaan isagoo ka garab ciyaaraya Kylian Mbappe.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in ku guuleystaha shanta jeer ee abaal-marinta Ballon d’Or uu door bidaayo ku laabashada horyaalka Premier League ee kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer, laakiin dhaqaaqista ayaa ku xiranaan doonta awoodda ay Man United u yeelato u soo bixitaanka tartanka Champions League.

Image result for Cristiano Ronaldo PSG and Man Utd

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Naadiga Red Devils intii u dhaxeysay sanadihii 2003 iyo 2009.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close