Weeraryahan ka dheela horyaalka MLS-ka Mareykanka: “Cristiano Ronaldo ayaa ka wanaagsan Lionel Messi, maxaa yeelay…)

(Kansas) 24 Mar 2020. Weeraryahanka ka ciyaara horyaalka MLS-ka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday midka wanaagsan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaana uu sheegay in CR7 uu ka wanaagsan yahay Messi.

Waxa uu dhaliyahan shaaca ka qaaday in Ronaldo uu ka wanaagsan yahay aragtidiisa Messi, sababatuna ay tahay inuu si adag u tababarto.

Weeraryahanka cusub ee Sporting Kansas City oo wareysi siinayey Fox Sports ayaa shaaca ka qaaday in isaga fikraddiisa uu Ronaldo ka wanaagsan yahay Messi.

Alan Pulido waa mid ka mid ah ah wajiyada cusub ee xili ciyaareedkan lagu arkay horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer.

Weeraryahankan reer Mexico ayaana go’aansaday inuu ka tago Chivas, isla markaana uu xirfaddiisa ciyaareedka sii wato Kooxda Sporting Kansas City si uu u noqdo ciyaaryahan magac leh.

Wuxuu durba dhaliyay labo gool, labadiisii kulan ee ugu horreeyay oo rasmi ah, wuxuuna dhaliyay goolal badan sanadkaan, sida ku soo laabashada xulka qaranka Mexico.

Intii uu ku guda jiray Wareysiga uu siinayey Fox Sports ciyaaryahankii hore ee Guadalajara ayaa ka jawaabay su’aal ahayd: “Midka uu u maleeyay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka iyo sababta.” Labadii xulasho ee ay shabakaddu siisay dabcan waxay ahaayeen Lionel Messi oo Barcelona ah iyo Cristiano Ronaldo oo Juventus ah.

“Waxaan u maleynayaa in Cristiano uu si adag ugu tababartay inuu noqdo kubbad-sameeyaha uu isagu yahay, tayadiisa jir ahaanna ay ka dhigayaan kan ugu fiican, taasi waa sababta aan ugu maleynayo in weeraryahankan Portuguese-ka ah uu aad uga fiican yahay Messi, inkasta oo xiddiga reer Argentine uu leeyahay tayo dabiici ah.” ayuu yiri Alan Pulido.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close