Torres oo ku biirray Liverpool, Pepe oo u dhaqaaqay Real Madrid & Saxiixyadii la sameeyey xagaagii 2007 ee noqday kuwo guuleystay

(Yurub) 24 Mar 2020. Maalmihii ugu dambeeyay, waxaan aqristayaal idin la wadaageynay sheekooyin ku saabsan qiimeynta lacagaha ciyaartoyda ee sanadihii la soo dhaafay ee qarnigan.

Suuqii xagaaga ee 2007, kooxaha waa weyn ee qaaradda Yurub ayaa sameeyay saxiixyo kala duwan, waxaana qormadan ku eegeynaa saxiixyadii ay kooxaha Yurub sameeyeen sanadkaas ee guuleystay.

Naadiga Premier League-ga ka ciyaarta ee Liverpool ayaa la soo saxiixatay weeraryahankeedii dahabiga noqday ee Fernando Torres, kaasoo ay ka soo qaateen kooxda Atletico Madrid.

Si la mid ah, Real Madrid ayaa iyaduna sanaddaas sameysay saxiix kale oo cajiib ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay dagaalyahanka reer Portugal ee Pepe.

Haddaba qaybtan hoose waxaan idin kugu soo bandhigeynaa afartii saxiix ee ugu wanaagsanaa sanaddii 2007, iyadoo aan saldhig uga dhigi doonno wax qabadkii ay la yimaadeen kaddib ku biiristoodii kooxihii ay ku biireen.

Fernando Torres ayaa ku biirray Liverpool, waxaana Reds ay kaga soo qaateen Atletico Madrid qiimo lacageed dhan 38 Milyan oo euro.

Weeraryahankii hore ee qaranka Spain ayaa noqday mid kas oo dhalaalay qiimihiisii, illaa ugu dambeyn 2011-kii uu ku biirray kooxda Chelsea.

Difaaca hadda ka tirsan kooxda Porto ee Pepe ayaa sanadkii 2007 ku biirray Real Madrid oo 30 Milyan oo euro kaga soo qaadatay kooxda Porto.

Toban sano oo uu ku sugnaa Santiago Bernanbeu, laacibka reer Portugal ayaa noqday mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsanaa kooxdiisa intii uu ku sugnaa isagoo la gaaray guulo waa weyn.

Ugu dambeyn, 2017 ayuu u hawo geddistay carriga Turkiga isagoo ku biirray kooxda Besiktas.

Isla sanadkaas 2007, Naadiga Bayern Munich ayaa 30 Milyan oo euro kaga soo qaadatay Frank Ribery kooxda Marsielle, waxaana uu ka mid noqday saxiixyadii ugu wanaagsanaa ee ay kooxaha Yurub sameeyeen sanadkaas.

Garabka reer France ayaa 12 sano kaddib ka tagay kooxda Bundesliga ciyaarta, isagoo ku biiray Naadiga Taliyaaniga ka dhisan ee Fiorentina.

Diego Forlan ayaa isaguna Atletico Madrid ugu biirray qiimo dhan 21 Milyan oo euro sanaddii 2007, isagoo ka soo dhaqaaqay kooxda Vilarreal ee iyaduna ka dhisan dalka Spain.

Gooldhaliyihii reer Uruguay ayaa noqday xiddiga ugu muhiimsan kooxda ka dhisan Madrid afartii sano ee uu ku sugnaa, waxaana ugu dambeyn uu u hayaamay naadiga Inter Milan ee ciyaarta horyaalka Serie A-da Talyaaniga.

Sheekadan kuma saabsanaa saxiixyadii ugu qaalisanaa ama ciyaartoydii ugu wanaagsanayd ee xilligaas la iibsado, balse waxa ku qotontaa saxiixyadii la sameeyay sanadkaas ee noqday kuwa guuleystay.

Torres→Liverpool, Pepe→Real Madrid... Which is the best transfer in 2007?

Heshiisyadii dhacay 2007 ee noqday kuwo guuleystay ama lagu faa’iiday:-

Torres→Liverpool – €38m

Pepe→Real Madrid – €30m

Ribery→Bayern – €30m

Diego Forlan→Atletico – €21m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close