Pelé oo sheegay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican kubadda cagta ee adduunka… (Ma Ronaldo mise Lionel Messi?)

(World) 24 Mar 2020. Halyeeyga reer Brazil ee Pelé ayaa sheegay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican kubadda cagta ee adduunka.

Dhinaca kale Halyeeyga reer Brazil ee Pelé ayaa isku arka inuu isagu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta adduunka oo dhan.

Pelé ayaa wareysi uu ku bixiyay Chanal-ka “Pilhado” ee dalka Brazil waxaa lagu weydiiyay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican adduunka wuxuun yiri:

Image result for pele and cristiano ronaldo

“Maanta waxaan arkaa in ciyaaryahanka adduunka ugu fiican uu yahay Cristiano Ronaldo, waxaan u maleynayaa inuu yahay kan ugu fiican maxaa yeelay isagu waa midka ugu badan ee joogtada ah.”

“Ma ilaawi karo Lionel Messi… dabcan, laakiin ma awoodo inuu noqdo weeraryahan wax go’aamin kara”.

Dhinca kale Pelé ayaa isku arka inuu isagu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta adduunka oo dhan, mar arrintan wax laga weydiiyay wuxuuna yiri:

“Waa su’aal ay adag tahay in laga jawaabo, ma awoodno inaan ilaawno Zico iyo Ronaldinho… sidoo kale Yurub waxaa jiray xiddigaha Franz Beckenbauer iyo Johan Cruyff”.

“Laakiin hadda qalad kuma lihi… waxaana u malynaa in kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta inaan anigu ahay, Pele wuxuu ahaa koodii ugu fiicnaa dhamaantood”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close