Macallin Jose Mourinho oo la arkay isagoo caawinaya dadka uu saameeyay caabuqa Coronavirus

(London) 24 Mar 2020. Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa muujiyay dadnimo wanaagsan kaddib markii uu boorsooyin ku beegay cunno uu ku caawinayo dadka da’da ah ee la dhibban xanuunka Coronavirus.

Spurs tababaraheeda ayaa ka qayb qaadanayay ololaha ha’adaha sadaqada bixiya ee Age Uk iyo Love Your Doorstep ay ku caawinayaan dadyowga tabarta yar ee uu sameeyay caabuqa coronavirus.

Waxaa laga soo qaaday sawirro, isagoo gacmihiisa ku wada raashin iyo waxyaabo kale oo uu ku caawinayo dadka masaakiinta ee ku nool xaafadda Enfield ee ku taalla woqooyiga London.

Macallinka reer Portugal ayaa sidoo kale la helay muuqaal, isagoo xiran maaskarada wejiga iyo gacmo-gashi sidoo kalena boorsooyin ku ridaya gargaarka uu u siday dadka la dhibban feyruska dunida saameeyay ee ku nool deegaankiisa.

“Wax yar oo caawin ah ayaan siinayaa Age UK Enfield iyo Love Your Doorstep Enfield, dabcan cunno ayaad baxsan kartaa sidoo kalena mutadawacnimo ayaad kaga qayb qaadan kartaa qaab-ka Internet (online-ka), waa ay fududdahay inaad la xiriirto” ayuu Jose yiri markii uu muuqaalkaas uu duubayay, waxaana bulshada uu ku boorriyay hay’adaha sadaqada bixiya iyo kuwa gargaarka sameeya inay kala shaqeeyaan sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka la xanuunsan feyruska COVID-19.

Image result for MAN(AGER) OF THE PEOPLE Tottenham boss Jose Mourinho helps put together care packages in Enfield to help out coronavirus relief efforts

57-sano jirkaan ayaa dadaal badan galinaya sidii loo caawin lahaa dadka da’doodu ay weyntahay ee aanan u babac dhigi karin xanuunkan, waxaana sidoo kale uu kula taliyay dadka kalena inay joogaan guryahooda si ay kaga nabad helaan caabuqa saf-mareenka ah Coronovirus.

Image result for MAN(AGER) OF THE PEOPLE Tottenham boss Jose Mourinho helps put together care packages in Enfield to help out coronavirus relief efforts

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close