Macallin Frank Lampard oo isagoo Eeygiisa wata dhex wareegaya Magaalada London… +SAWIRRO

(London) 24 Mar 2020. Macallinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa iska indho tiray xaaladda cabsida ah ee magaalada London, waxaana la arkay isagoo wata Eeygiisa  oo la dhex socday caasimadda Ingiriiska.

41-sano jirkaan ayaa wejigiisa qeybta hoose ku daboollay maro, sidoo kalena waxa uu xirnaa gacmo gashi, si uu uga diktoonaado inuu soo gaaro feeyruska coronavirus.

Lampard oo khadka dhexe ka ciyaari jiray kooxda Chelsea iyo xulka qaranka England ayaa qol ku xareysnaa tan iyo 13-kii bishan March, xilligaas oo Callum Hudson-Odoi laga helay xanuunka coronavirus.

Da’yarka Blues ayaase hadda sheegay inuu dareemayo soo kabasho fiican, sidoo kalena uu billaabay tababarka guriga.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close