Rio Ferdinand oo doortay kan fiican xiddigaha Maxamed Saalax iyo Eden Hazard

(England) 23 Mar 2020. Daafacii hore xulka qaranka England iyo kooxda kubadda cagta Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay kan fiican xilligan la joogo labadda ciyaaryahan Maxamed Saalax iyo Eden Hazard.

Rio Ferdinand ayaa wuxuu si cad u sheegay in xiddiga reer Massar iyo kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax uu ka fiican yahay dhigiisa reer Belgium iyo naadiga Real Madrid ee Eden Hazard.

Ferdinand oo ka jawaabay su’aal ku saabsan ciyaaryahanka fiican xiddigaha Maxamed Saalax iyo Eden Hazard wuxuuna yiri:

“Hazard wuxuu ka fiicnaan karaa ciyaaryahan kasta, marka ay tahay xaalada ciyaaryahan iyo ciyaaryahan, waan jeclahay qaabka uu u ciyaarayo”.

“Laakiin waqtigan la joogo Maxamed Saalax wuxuu ka fiicanyahay Eden Hazard, isla mar ahaantaasna, Saalax waxay kooxdiisa ku qarash gareysay kaliya 37 milyan oo euro si ay ula soo saxiixato” ayuu yiri haleeyga reer England ee Rio Ferdinand.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close