Radja Nainggola oo ammaanay qaab ciyaareedka xiddig muhiim ka ah kooxda Real Madrid

(Yurub) 23 Mar 2020. Xiddiga heerka caalami xulka qaranka Belgium ee Radja Nainggolan ayaa si xoogan u ammaanay qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe naadiga Real Madrid ee Luka Modric.

Radja Nainggolan oo horey ugu soo ciyaaray kooxaha AS Roma iyo Inter Milan ayaa wareysi uu bixiyay dhawaantan waxaa soo xigtay shabakada Football Italia, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan mar walba jeclaa Luka Modric, sababtoo ah wax walba wuxuu ku qaban karaa heerka ugu sareeya.”

“Clarence Seedorf wuxuu lahaa awood aan dabiici aheyn, wuxuu ahaa kan kaliya ee aan arki karin kubbada.”

“Waxaan ka garab ciyaaray tiro ciyaartoy ah ee awood badan, Kevin Strootman aad ayuu u fiicnaa kahor dhaawiciisa, Daniele De Rossi wuxuu ahaa ifafaale, Miralem Pjanic waa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu tayada wanaagsan, dhanka kooxda Inter Marcelo Brozović had iyo jeer wuxuu sameeyaa farqi.”

“Haddii ay waajib kugu tahay inaad doorato, kooxda Roma waxaan heysanay qad dhexe ee aad u xoogan, waxaana wada joogay xiddigaha De Rossi, Miralem Pjanic iyo Strootman”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close