Pogba iyo Haaland oo hoggaaminaya shan xiddig oo waa weyn ee uu wakiil u yahay Mino Raiola, kuwaasoo xagaagan u dhaqaaqi kara Kooxda Real Madrid

(Madrid) 23 Mar 2020. Mino Raiola ayaa wakiil u ah xiddigo waa weyn oo magac ku leh kubadda cagta, waxaana ka mid ah Pogba, Haaland, Verratti iyo kuwo kale.

Horay waxa uu wakiilkan u sheegay inuu xiriir fiican la leeyahay kooxda Real Madrid isla markaana uu suuqa xagaagan geyn doono xiddig weyn.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa shan ciyaaryahan oo waa weyn ee uu wakiil yahay Mino Raiola kuwaasoo xagaagan u dhaqaaqi kara Los Blancos, waxaana ka mid ah Pogba, Haaland, Verratti iyo kuwo kale.

Shabakadda Sportsmail ayaa shaacisay magacyada shan ciyaaryahan ee uu wakiil u yahay Mino Raiola kuwaasoo suuqa xagaagan ku biiri kara kooxda Real Madrid ee halkaan hoose ka eeg:-

PAUL POGBA (Manchester United)

GIANLUIGI DONNARUMMA (AC Milan)

MARCO VERRATTI (PSG)

DONYELL MALEN (PSV)

ERLING HAALAND (Borussia Dortmund)

Dhammaan xiddigahan waxaa xiiso u haysa kooxda Real Madrid, waxaana laga yaabaa in midkood uu suuqa xagaagan u dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabéu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close