Kooxda Liverpool oo durba diyaarsatay liiska saddex Daafac oo ay ku bedelayso booska Dejan Lovren

(Liverpool) 23 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo sheegayaa inay hoosta ka xariiqatay saddex ciyaaryahan oo ay midkood bedel kaga dhigayso booska ciyaaryahankeeda Dejan Lovren.

Reds ayaa doonaysa in booska Dejan Lovren ay ku bedesho midkood saddex ciyaaryahan ee kala ah laacibka kooxda Atletico Madrid ee Jose Gimenez, xiddiga ka tirsan RB Leipzig ee Dayot Upamecano iyo ciyaaryahanka Inter Milan ee Alessandro Bastoni.

Liverpool ayaa la filayaa inay iska iibin doono Lovren inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan, madaama 30-sano jirkaan uu kaliya haysto wax ka yar 12 bilood oo uu ku sii joogayo qandaraaskiisa garoonka Anfield.

Sida ay warinayso Jariiradda AS ee dalka Spain ka soo baxda, kooxda Tababare Jurgen Klopp ayaa durba diyaarsatay liis saddex ah oo magac leh oo ay ku badalayaan xiddigooda reer Croatia, iyadoo Gimenez, Upamecano iyo Bastoni dhammaantood ay tixgalinayso.

Warbixinta ayaa soo jeedinaysa in Gimenez uu noqon doono bartilmaameedka koowaad ee kooxda, laakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa laga yaabaa inuu ugu dambeyntii lagu qiimeeyo bedelka, maadaama qandaraaskiisa haatan lagu jabin karo adduun dhan 120 milyan oo euro oo u dhiganta 111 milyan oo gini.

Liverpool 'draw up three-man shortlist to replace Lovren'

Dhinaca kale Upamecano oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u yahay kooxaha Barcelona, Arsenal iyo Tottenham Hotspur, ayaa la soo jeedinayaa in hoggaamiyeyaasha Premier League ay dagaal adag kala kulmi doonaan saxiixiisa.

Marka laga hadlayo Bastoni, Manchester City ayaa sidoo kale la sheegayaa inay xiiseynayso 20-sano jirkaan, waxaana la soo warinayaa inay isha la raacayso daafaca dhexe inta lagu guda jiro ololaha 2019-20.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close