Kooxda Barcelona oo mushahar dhimis ku samaynaysa xiddigaheeda… (Sidee wax u jiraan?)

(Barcelona) 23 Mar 2020. Maamulka kooxda Barcelona ayaa la xaajoonaya kabtannada kooxda, iyagoo kala hadlaya suuro-galnimada ay kaga jari karaan mushaarka ciyaartoyda kooxda u ciyaarta, maadaama saameyn dhaqaale uu sababay caabuqa Coronavirus.

Xilli ay xanniban tahay kubadda cagta dalka Spain iyo tartammada waa weyn ee qaaradda Yurub, Barca ayaa dareemeysa inaysan awoodin inay daboosho miisaaniyaddeeda, maadaama lacag hal bilyan oo euro gaareysa horraan ugu qoondeeyeen mushaharka ciyaartoyda.

In mushaharaadka ay dhimaan xiddigaha ayaa ahaa qodobka ugu weyn ee maamulka Blaugrana kala hadashay kabtannadeeda, waxaana kaliya ay doonayaan in inyar uu ciyaaryahan walbo ka dhimo mushaarkiisa illaa iyo inta uu xilli ciyaareedka ka dhammaanayo.

Falcelinta ciyaartoyda marka ay arrintaan maqleen waxay noqotay inay aqbaleen, balse weli ma jiraan wax heshiis ah oo meel lagu xarriiqay, tiiyoo ay jirto inaan la hubin xayiraadda kubadda cagta saaran xilliga ay idlaan doonto.

Arrintan ayaa loo arkaa mid xal wanaagsan u ah khasaaraha lacageed ee soo gaaray kooxaha kubadda cagta, maadaama haddii la joojiyo horyaalka La Liga iyo tartanka Champions League-ga ay kooxdu khasaaro xooggan oo dhanka maaliyadda ah geli doonto, waxaana xusid mudan in labadaas tartan aysan haysan dammaanad qaad buuxa oo lagu gababageyn karo.

Maamullada La Liga iyo UEFA ayaa labaduba aaminsan in bilaha ka horreeya xagaaga la dhammeystiri doono tartammada xanniban, balse macquul ahaanshaha lagu saadaalinayo inay rumoobeyso dhammeystirka xilli ciyaareedka ayaa ah mid adag haddii maaro loo waayo caabuqa dunida ku faafay ee coronavirus.

Taasi waxay dhibaato ku noqoneysa kooxaha ka dhisan qaaradda Yurub, maadaama aysan heli doono daqligii ka soo geli lahaa xuquuqda TV-yada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close