Ter Stegen oo si cad u sheegay ciyaaryahankii ugu adkaa uu ka hor yimid xirfadiisa kubadda cagta

(Barcelona) 22 Mar 2020. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay goolhaayaha reer Germany iyo kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen, kaasoo uu kaga hadlay dhowr arrimood.

Goolhaayaha reer Germany ee Marc-André ter Stegen ayaa wuxuu sheegay in ciyaaryahankii ugu adkaa uu kahor yimid xirfadiisa kubadda cagta uu yahay weeraryahanka kooxda Athletic Bilbao ee Aritz Aduriz.

Marc-André ter Stegen ayaa wuxuu wareysigan kaga hadlay ciyaartoygii ugu adkaa ee uu wajahay wuxuuna yiri:

Image result for aritz aduriz vs barcelona

“Waxaa jiray kuwo badan, balse weeraryahanka kooxda Athletic Bilbao ee Aritz Aduriz la ciyaaristiisa aad ayey iigu adkeyd xilli kasta, marka aad ka hor timaado xaalada waa mid aad u adag”.

Intaas kaddib Marc-André ter Stegen ayaa wuxuu ka hadlay waqtiyadii ugu farxada badnaa ee noloshiisa, wuxuu yiri:

“Markii aan waalid noqday, waa farxad aan la qeexi Karin, ma ilaabin goortii aan ogaaday inaan noqday aabe”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close