Kooxda Liverpool oo kula soo biirtay Man United, Real Madrid iyo Barcelona loollanka loogu jiro saxiixa…

(Liverpool) 22 Mar 2020. Maadaama xagaagii hore Liverpool aysan sameyn dukaameysi xoog leh, waxay doonayaan inay xagaagan ciyaartoy badan ay soo qaataan, iyagoo meesha ugu sareeysa diiwaankooda bartilmaameedyada ku qoray Fabian Ruiz.

Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Napoli ayaa hore diiradda ugu saarnaa qaar ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub, sida Manchester United, Real Madrid iyo Barcelona kuwaasoo dhammaantood xiisaynaya adeeggiisa.

Kubbad qaabeeyahan ayaa kooxda Serie A-da ka ciyaarta kula jira qandaraas dhici doona 2023-ka, balse kooxdiisa Napoli ayaa doonaysa inay u gacan geliso heshiis kale oo hor leh, iyadoo maanka ku heysa xiisaha ay saxiixiisa u qabaan kooxaha ugu awoodda badan qaaradda Yurub.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich ay ka mid tahay kooxaha doonaya saxiixa 23-sano jirkaan.

Liverpool macallinkeeda Jurgen Klopp ayaa ka dhiganaya Ruiz bartilmaameed sare marka uu furmo suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, sida ay warinayso Jariiradda Express.

Liverpool transfer news Klopp Ruiz

Majaladda ka faalloota qiimaha ciyaartoyda suuqa kala iibsiga ka gooyaan ee Transfermarkt ayaa qiimaha laacibka reer Spain ku qiimeysa 54 milyan oo gini, inkastoo wararka ay sheegayaan in Napoli ay ku doonayso lacag ka badan 74 milyan oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close