Cristiano Ronaldo oo baraya sida carruurta ay isaga dhaqayaan gacmaha si ay kaga hortagaan Coronavirus

(Yurub) 22 Mar 2020. Tan iyo markii caabuqan uu noqday mid ku faafa dunida kubadda cagta, dhammaan talo bixiyeennada caafimaadka ayaa bulshada ku wacyi gelinayay inay gacmaha si wanaagsan isaga dhaqaan, taasoo ka caawineysa inay la dagaallamaan jeermiska COVID-19.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronald ayaa baraha bulshada soo geliyay muuqaal, isagoo caruurtiisa ka caawinaya inay gacmaha si qoto dheer isaga dhaqaan, ka hor tagga coronavirus awgii.

Kabtanka Portugal ayaa dabiiciyan ku caan baxay mid gargaarka, caafimaadka iyo nadaafadda ahmiyad badan siiya, waxaana hadda uu si aad ah kaga taxaddarayaa labadiisa wiil iyo gabadhiisa, isagoo marwalba nadaafaddooda diiradda saara.

Ronaldo kooxdiisa Juve iyo dhammaan horyaalka Serie A ayaa fasax ku jira, maadaama dalka Taliyaaniga uu ka mid yahay waddamada uu sida xad dhaafka ah u saameeyay caabuqa saf-mareenka ah ee coronavirus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close