Kooxda Elman oo Bayaan ka soo saartay caabuqa Coronavirus… + SAWIRRO

(Muqdisho) 21 Mar 2020.  Kooxda kubadda cagta Elman Sports Club ayaa bayaan ka soo saartay cudurka halista badan ee Coronavirus, kaasoo muddooyinkii ugu dambeyay dunida aad ugu faafayay.

Dhammaan horyaalladii qaaradda Yurub ayaa hakad la galiyay, waxaana sabab u ah cudurka Covid-19, kaasoo la diidan yahay inuu faafo, waxaana xusid mudan in horyaalka Somali Premier League la joojiyay sababo ku aaddan cudurka Coronavirus.

Kooxda Elman waa kooxda kaliya ee war saxaafadeed dhab ah ka soo saarta Soomaaliya, iyadoo ay ku dhiiri-galineyso Ciyaartooydiisa, taageeryashiida, shaqaalaheeda iyo bulsha weynta soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan halista caabuqaan.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira kooxo kale oo ka dheela Soomaaliya oo baraha ay xiriirka bulshada ee dhinaca internet-ka ku leeyihiin kaga soo hadlay Coronavirus, balse Elman ayaa ah kooxaha kaliya ee bayaan rasmi ah ka soo saartay.

Halkaan hoose ka eeg bayaan ay kooxda kubadda cagta Elman ka soo saartay caabuqa Coronavirus:-

SAWIRRO:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close