Afar laacib oo ka tirsan Chelsea, Labo u ciyaarta Liverpool & Safka ugu fiican xiddigaha Premier League ee uu qandaraaskoodu ka dhacaayo xagaagan

(London) 21 Mar 2020. Maadaama marka uu xilli ciyaareedka dhammaado ay dhici doonaan heshiisyo badan oo ay ciyaartoyda kula jiraan kooxahooda, horyaalka Premier League-ga kooxaha ka dhisan ayaa si bilaash ah ku luminaya ciyaartoy waa weyn.

Ciyaartoyda qaar ayaase heshiisyadooda la kordhiyay, taasoo ka dhigan inay baaqi kusii ahaan doonaan kooxahooda xagaagan haddii aanan lacag lagu iibsan, sida Nemanja Matic oo qandaraaskiisa Manchester United hal sano oo dheerri ah lagu kordhiyey.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira ciyaartoy waa weyn oo kooxahooda bilaash kaga tagaya xagaaga, maadaama heshiisyadooda ay dhacayaan, waxaana ka mid Adam Lallana iyo David Silva.

Inkastoo ay qandraasyada xiddigahan ay ku egyihiin 30-ka bisha June, hadda waxaa suuro-gal ah in la sugo inta uu ka idlaanayo xilli ciyaareedka, maadaama aanan la hubin wakhtiga la dhammeyn doono kaddib markii loo xannibay caabuqa saf-mareenka ah ee Coronavirus awgii.

Sidaas darteed, majaladda Mirror ee ka soo baxda Ingiriiska ayaa qalinka u qaadatay shax ciyaareed ka sameysan 4-5-1 oo ay ku muujineyso safka ugu wanaagsan ee kooxahooda bilaash-ka kaga tagaya suuqa xagaaga.

Haddaba waa kan Safka oo dhammeystiran:-

Goolhaye: Willy Caballero (Chelsea)

Difaac: Nathaniel Clyne (Liverpool)

Difaac: Wes Morgan (Leicester City)

Difaac: Jan Vertonghen (Tottenham)

Difaac: Christian Fuchs (Leicester City)

Khadka dhexe: Adam Lallana (Liverpool)

Khadka dhexe: David Silva (Manchester City)

Khadka dhexe: Ryan Fraser (Bournemouth)

Garabka: Willian (Chelsea)

Garabka: Pedro (Chelsea)

Weerarka: Olivier Giroud (Chelsea)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close