Pochettino oo shaaca ka qaaday weeraryahanka uusan ka labo-labeyn doonin inuu la shaqeeyo

(Yurub) 20 Mar 2020. Tababarihii hore kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee reer Argantina Mauricio Pochettino ayaa ammaan u soo jeediyay weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martínez, wuxuuna u arkaa inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka.

Mauricio Pochettino ayaa wareysi uu dhawaantan ku bixiyay shabakada “Football Italia” wuxuu ku ammaanay Lautaro Martínez wuxuuna yiri:

“Lautaro Martínez waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka”.

“Haddii aan bilaabo raadinta weeraryhan farqi weyn sameyn kara, waxaa iska cad in magaca Lautaro uu miiska saarnaan doono”.

Image result for Mauricio Pochettino and Lautaro Martínez

Magaca Lautaro Martínez ayaa hada lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi karo mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee Spain Real Madrid ama Barcelona, waxaana qandaraaskiisa naadiga Inter Milan lagu kansali karaa qiimo dhan 111 milyan euro.

Martínez ayaa xilli ciyaareedkan u dhaliyay kooxdiisa Inter Milan 16 gool, 31 kulan uu kaga soo muuqday tartamada oo dhan, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay 4 gool kale saaxiibadiis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close